
Xogta Sirdoonka Maraykanka oo sheegtay in Duqeymihii ay ku qaadeen Iiraan aysan burburin Nukliyeerkii dalkaas
How did your country report this? Share your view in the comments.
Diverging Reports Breakdown
Xogta Sirdoonka Maraykanka oo sheegtay in Duqeymihii ay ku qaadeen Iiraan aysan burburin Nukliyeerkii dalkaas
Xogta Sirdoonka Maraykanka oo sheegtay in Duqeymihii ay ku qaadeen Iiraan aysan burburin Nukliyeerkii dalkaas. Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay in goobihii Nuklyeerka ee Iran ay “gebi ahaanba burbureen” wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta “isku day lagu doonayo in lagu dhimo mid ka mid”
Xigashada Sawirka, Satellite image (c) 2025 Maxar Technologies via Getty Images
Saacad ka hor
Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay in goobihii Nukliyeerka ee Iran ay “gebi ahaanba burbureen” wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta “isku day lagu doonayo in lagu dhimo mid ka mid ah weerarradii militari ee ugu guulaha badnaa taariikhda”.
Ilo-wareedyadani qarsoodiga ah ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in lagu qiyaasay in weerarku uu dib u dhigay oo kaliya sameysashada hubka Niyukleerka ee Iiraan “dhowr bilood”, iyo in dib u bilaabista barnaamijkeeda Nukliyeerka ay ku saleysan tahay muddada ay dalka ku qaadaneyso inuu soo saaro oo uu dayactiro.
Bambaanada 30,000lb ee Maraykanka (14,000kg) ayaa la rumeysan yahay inuu yahay hubka kaliya ee awooda inuu burburiyo xarumaha tayeynta Yuraaniyaamka dhulka hoostiisa ee Iran. Tehran waxay had iyo jeer sheegtaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.
Waxa uu sheegay in maamulku aanu sheegin in duqeymahaasi ay burburiyeen awoodda Iran ay u leedahay inay ku xaqiijiso uranium-keeda, xubnaheeda kobcinta Yuraaniyaamka ama ay baabi’isay kaydkeedii, taas oo uu sheegay in ay ku filnaan doonto in ay sameyso sagaal madax oo Nukliyeer ah.
Source: https://www.bbc.com/somali/articles/cgq7985vlgzo